BRASILIA(HALBEEG)-Waxaa xalay la cayaaray kulankii kama dambeysta ahaa ee Copa America 2021 kaas oo u dhexeeyay xulalka Argentina iyo Brazil.
Xulka Argentina ayaa ku guuleystay Copa America markii 15-aad isagoo xalay ciyaartii fiinaalka ku adkaaday gool uu Angel Di Maria dhaliyay daqiiqaddii 22-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta.
Xulka Brazil ayaa iyaguna fursado badan abuuray qaybtii labaad ee ciyaarta, hase yeeshee waxay dhaafi waayeen goolhayaha xulka Argentina La Albiceleste ee Emiliano Martinez oo weerarradoodii oo idil waxba kama jiraan ka dhigay.
Xiddigaha Argentina ayaa xalay soo af-jaray abaartii koob la’aanta ee muddada 28-ka sano ah heysatay kooxda waxayna sidoo kale xalay suurageliyeen in kaalinta kowaad ee xulka ugu hanashada badan Copa America ay la wadaagaan Uruguay oo hore 15 jeer u qaadday.