Afrika: Sida Baraha Bulshada loogu isticmaalo xayeysiin ahaan

Baraha Bulshada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya Afrika ayaa Baraha Bulshada ugu sticmaala dhinaca xayeysiiska si ka badan shirkadaha kale ee caalamka, sida lagu muujiyay cilmi baaris cusub.

Ku dhawaad 75% ka mid ah shirkadaha Afrika ayaa ku tiirsan baraha bulshada si ay ugu suuq geeyaan badeecooyinkooda iyo wax soo saarkooda. Waxay tiradaas aad uga badan tahay marka la isku daro guud ahaan tirade shirkadaha ku yaalla dunida inteeda kale, kuwaasoo 52% ku tiirsan braha bulshada.

Xogtan cusub waxaa lagu soo bandhigay daraasadda adeegsiga baraha bulshada ee ay warbaahinta la wadaagtay shirkadda dabagalka ku sameysa dhaqdhaqaaqyada online-ka ee lagu magacaabo Meltwater.

“Iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku aaddan xaaladda dhaqaalaha, shirkado badan oo waaweyn ayaa la yimid hal abuur si ay u suuq dheeri ah ugu helaan wax soo saarkooda,” ayey tiri Lays Bammesberger oo ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee shirkadda Meltwater.

Daraasad

Daraasadda ay soo saratay shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa muujineysa in sagaal ka mid ah toban shirkadood oo ka howl gala Afrika ay isticmaalaan Facebook, iyagoo ka dhigay Facebook barta bulshada ee ay ugu isticmaalka badan yihiin hay’adaha.

Iyadoo diiradda la saarayo in magaca shirkadaha la ogeysiiyo dadka ayey kalabar ka mid ah shirkadaha caalamka sheegaan in hubanti la’aanta ka dhirta xaaladda dhaqaalaha ay sababtay in baraha bulshadu ay yeeshaan muhiimad aad u weyn.

Daraasad

Shanta shaashadood ee waxtarka weyn u leh ganacsiyada Afrika ayaa kala ah Facebook (boqolkiiba 88),  Instagram (boqolkiiba 76), LinkedIn (boqolkiiba 74), Twitter (boqolkiiba 67) iyo WhatsApp (boqolkiiba 58).

Daraasad
Daraasad

Marka la eego dhinaca kobaca, isticmaalka TikTok ayaa si weyn uga kordhay gobolka, iyadoo kala bar ka mid ah shirkadaha Afrika ay qorsheynayaan in ay bartan bulshada adeegsadaan sanadkan 2023-ka.

Isticmaalka WhatsApp ee gudaha Afrika ayaa celcelis ahaan boqolkiiba 35 ka sarreeya caalamka intiisa kale.

Warbixintan waxay ku saleysan tahay daraasad xog aruurin ah oo ay Meltwater ka sameysay in ka badan 1,700 qof oo isugu jira dadka ka shaqeeya suuq geynta iyo shaqaale rasmi ah oo ka howl gala Afrika iyo dunida inteeda kale.