Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Tebin toos ah

time_stated_uk

  1. Mareykanka oo sheegay in Iran ay sameysan karto hubka Nukliyeerka

    General Mark Milley
    Image caption: General Mark Milley

    General Mark Milley, oo ah madaxa taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka, ayaa ku sheegay shir ka dhacay Congress-ka dalkan Khamiistii, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, "markii ay go'aansato", ay soo saari karto agabka lagama maarmaanka u ah hubka nukliyeerka, in ka yar laba toddobaad.

    General Milley, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay ku soo saari karto walxaha fiska ah ee hubka nukliyeerka laga sameeyo wax ka yar laba toddobaad laga bilaabo "waqtiga uu go'aansado" maamulka.

    Hannaan sameynta ah, ayaa wuxuu qaadan karaa oo kaliya "dhowr bilood oo dheeraad ah" si loo helo hub nukliyeer ah.

    Waxa uu u sheegay guddiga qoondaynta Congress-ka, oo uu goob joog uga ahaa in lagala hadlo miisaaniyadda 2024 ee Pentagon-ka, oo uu weheliyo xoghayaha difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin.

    Wuxuu generalka sidoo kale tilmaamay in Iran ay khatar ku tahay sii wadisteeda taageerada ay u fidiso argagixisada, iyo kuwa raacsan ee Bariga Dhexe, ee Khalkhalka gelinaya gobolka.

    Madaxa taliska guud ee ciidamada Mareykanka, ayaa yiri “Siyaasadda rasmi ah, ee Mareykanka, ayaa waxaa ka go’an inuu ka hortago Iran inay hesho hubka Nukliyeerka.

    Sargaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka, ayaa sheegay in militariga wadanku uu Aqalka Cad u soo bandhigay dhowr fursadood, oo ku saabsan sida loogga jawaabi karo Iran mar kasta ,oo ay go’aansato in ay sameysato hubka Nukliyeerka.

  2. Duufaan dad ku dishay dalka Mareykanka

    Duufaannada oo waxyeello u geystay dhowr magaalo oo ku yaalla miyiga Mississippi
    Image caption: Duufaannada oo waxyeello u geystay dhowr magaalo oo ku yaalla miyiga Mississippi

    Ugu yaraan 23 qof, ayaa ku dhintay, kadib markii duufaano ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha.

    Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal burburay.

    Duufaanadan ayaa burbur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay waxyeelin ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxaana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo korontadu ay go’day.

    Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan.

    Roobab baaxad leh oo xooggan, ayaa laga soo sheegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

    Dadka deggan Rolling Fork, oo ah magaalo yar oo ku taalla galbeedka Mississippi, ayaa sheegay in duufaantu ay daaqadaha kasoo gashay gadaasha guryahooda. Khasaaraha ka dhashay deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u daran yahay.

    Brandy Showah, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa CNN u sheegay: "Weligay ma arkin wax sidan oo kale ah...Tani waxay ahayd magaalo yar oo aad u weyn, haddana iyadoo dhan way burburtay."

    Cornel Knight, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in isaga, xaaskiisa iyo gabadhooda oo saddex jir ah, ay ku sugnaayeen guri dad ay qaraabo yihiin oo ku yaalla Rolling Fork, isla markaana ay "xaaladdu daganeyd" wax yar ka hor inta aanay duufaantu dhicin.

    Waxa uu sheegay in cirku mugdi ahaa, balse “Waxaad ka arki kartay jihada loo socdo, oo ay duufaantu u socoto”.

    Waxa uu sheegay in duufaantu ay ku dhufatay guri kale oo ay qaraabo ahaayeen, halkaasoo uu ku soo dumay darbi, isla markaana ay ku xayirmeen dad badan oo ku sugnaa.

    Dad kale ayaa ku go'doonsan goob qashin qub ah, halka qaar ka mid ah qaybaha sharci fulinta aan la la ogeyn halka ay ku sugan yihiin ee aagga Shaarkey.

    Sam Emmerson oo ka tirsan Kulliyadda Saadaasha Hawada ee Jaamacadda Oklahoma, ayaa sheegay in duufaanta "aad u saraysa" ay keentay sarana u qaadday qashinka ka sarreeya 30,000ft (9144m).

    Mid ka mid ah saadaasha cimilada deegaanka, oo ka walaacsan xoogga duufaanta ku soo wajahan magaalada Amery, ayaa muddo yar hakiyay saadaashii TV-ga, si uu ugu duceeyo dadka magaalada.

    Guddoomiyaha Mississippi, Tate Reeves, ayaa Twitter-ka ku sheegay in kooxaha wax goobista iyo samata bixinta ay taageero caafimaad u fidinayaan dadka ay dhibaatadu saameysey.

    "Qaar badan oo ka mid ah dad reer [Mississippi] Delta, waxay u baahan yihiin ducada iyo ilaalinta Ilaah caawa. Daawo warbixinnada cimilada oo ka digtoonow habeenkii, Mississippi! ", Reeves ayaa qoray.

  3. Dalka Iran oo uu ku dhex fidayo cudurka Covid19

    Sawirka fayriska cudurka Covid19
    Image caption: Sawirka fayriska cudurka Covid19

    Wasaaradda Caafimaadka ee Iran, ayaa sheegtay iney kordheen tirada magaalooyinka uu ku faafayo Corona eek u yaalla dalkan.

    Magaalooyinkan, ayaa waxaa loo aqoon sadey goobo ku jira xaalad aad khatar u ah laguna calaamadeeyey midabka Guduudka ah, iyadoo tiradoodu ay gaareyso 10 magaalo.

    Magaalooyinka ku jira xaaladda halista ah, ama lagu calaamadeeyey midabka Hurdiga ah, ayaa iyaguna kor uga kacay 33 ilaa 48 magaalo.

    Si kastaba ha ahaatee, tirada magaalooyinka khatarta sare leh, ayaa hoos u dhacay, kuwaasoo gaaray 194 magaalo oo ku yaalla Iran.

  4. Sicirka Suufka oo qiimihiisa aad hoos ugu dhacay

    Suufka oo goob ku kaydsan
    Image caption: Suufka oo goob ku kaydsan

    Beeralayda suufka, ayaa ka walwalsan sicirka Suufka, maadaama qiimaha suufka uu hoos u dhacay ku dhawaad ​​Rs 2,000 ($24) dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

    Beeraley badan, ayaa suufka guriga ku keydinayay 3 ilaa 4 bilood.

    Agmarknet waa bogga rasmiga ah ee dawladda Hindiya, halkaas oo aad ka hubin karto qiimaha suuqa ee dalagyada kala duwan ee suuqyada dalka.

    Sida ku cad xogta shabakadan ilaa March 24-keedii, haddii aan ka fiirsan dalagga Suufka, inta lagu guda jiro usbuucii March 16 ilaa 23 March, qiimaha cudbiga, ayaa ahaa Rs. 9, 355 ($113.62) halkii kuuntaal.

    Sannadkan, laga bilaabo 16 ilaa 23ka Maarso 2023, Suufka, ayaa wuxuu ahaa qiimihiisu Rs 7,466 ($90.67), halkii kiintaal.

    Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in cudbiga uu qiimihiisa hoos u dhacay, isagoo gaarey Rs 1,889 (22.94), markan marka loo eego sannadkii hore.

    Sannadkii hore, ayaa waxaa la ogaaday in suufku uu qiimihiisa aad hoos ugu badan, iyadoo in ka badan 10 kun Kuuntaal la kaydiyay.

    Sidaa darteed, beeralayda suufku, ayaa waxay ku kaydiyeen suufka guriga tan iyo bishii Nofembar.

    Beeraleydani ayaa waxay filayeen in cudbiga uu kusoo noqon doono qiimihii sanadkii hore mid la mid ah.

    Laakiin, illaa iyo haatan shan bilood kadib, hoos u dhaca qiimaha Suufka, ayaa wali sidiisii u jira.

  5. Wararka ugu danbeeyey ee ciyaaraha Yurub

    Julian Nagelsmann
    Image caption: Julian Nagelsmann

    Tottenham Hotspur, ayaa u magacawday kooxdeeda macalinka reeer Jarmal ee Julian Nagelsmann, oo 35 jir ah, kaasoo laga ceyriyay kooxda Bayern Munich - xulashada 1-aad, ee ay ku bedeli karaan Antonio Conte, oo 53 jir ah, oo u dhashay dalka Talyaaniga.

    Spurs ayaa waxay dooneysaa inay wada hadal la yeelato Nagelsmann, kadib markii hore loo sheegay in tababarihii hore ee RB Leipzig uu 'usii jeedo' dhaka kooxda ka ciyaarta horyaalka Ingiriiska.

    Si kastaba ha ahaatee, Nagelsmann ayaa loo tixgelin karaa inuu yahay tababaraha xiga ee kooxda Real Madrid, iyadoo 63-jirka reer Talyaani, Carlo Ancelotti, uusan hubin mustaqbalkiisa.

    Thomas Tuchel, oo 49 sano jir ah, ayaa la wareegi doona booska kaaliyaha tababaraha ee kooxda Chelsea, Anthony Barry, oo 36 jir ah, si uu uga caawiyo shaqadiisa Bayern, kadib markii uu bedelay Nagelsmann. (Telegraph)

    Bayern ayaa si deg deg ah u magacawday Tuchel, cabsi ay ka qabto kooxaha Real Madrid ama Tottenham. (Muraayad)

    Tuchel ayaa sidoo kale isku dayi doona inuu la soo saxiixdo heshiis goolhayaha reer Senegal, ee Edouard Mendy, 31 sano jirna ah, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia, Mateo Kovacic, oo 28 jir ah, kana tirsan kooxdiisii ​​hore ee Chelsea.

    Kooxda Manchester United, ayaa kula biirtay kooxaha Manchester City iyo Liverpool tartanka looggu jiro iibsashada xiddiga kooxda Chelsea, ee Kovacic.

    Kooxda Barcelona, ayaa soo gudbisay saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo Germany, Ilkay Gundogan, oo 32 jir ah, waxaana dadka ku lugta leh wada hadalka mustaqbalkiisa ay aaminsan yihiin inuu u dhaqaaqi karo Spain.

    Kooxda Arsenal ayaa jabin doonta saxiixa rikoorka suuqa kala iibsiga ah ee ciyaar yahan Nicolas Pepe, kaasoo haatan amaah kula joogga kooxda Nice xilli ciyaareedkan, laakiin waxa laga yaabaa inay bixiso 27 jirka reer Ivory Coast, si uu uga tago.

    Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda West Ham, Lucas Paqueta, oo 25 jir ah, ayaa bixi doona Xagaagga, haddii Hammers ay u laabato heerka labaad.

    Kooxda PSV Eindhoven, ayaa diyaar u ah inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivory Coast, Ibrahim Sangare, oo 25 jir ah, halka Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham ay soo gudbiyeen daneyntooda.

    Barcelona ayaa rajo ka qabta in UEFA aysan go’aansan doonin inay kooxda ka mamnuucdo ka qeybgalka tartamada Yurub, iyadoo uu weli socdo baaritaanka ku aadan lacagaha lagu soo oogay garsoorihii hore ee kooxda.

    Milkiilaha kooxda Chelsea ee, Todd Boehly, ayaa si kumeel gaar ah u aqbalay inuu marti geliyo kulan lacag aruurin ah oo xiddigaha ah, oo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge bisha Agoosto, isagoo kaashanaya hay'adda samafalka ee Football for Ukraine.

  6. Mala helay asal ahaan xayawaankii uu ka yimid fayriska cudurka Covid19?

    Xogta baaritaanka saddexda sano socotay ee suuqa xayawaanka duurjoogta ee xarunta cudurka dillaacay waxay farta ku fiiqaysaa eyda Racoon inay tahay 'meesha uu cudurka ka yimid' oo suurtagal ah
    Image caption: Xogta baaritaanka saddexda sano socotay ee suuqa xayawaanka duurjoogta ee xarunta cudurka dillaacay waxay farta ku fiiqaysaa eyda Racoon inay tahay 'meesha uu cudurka ka yimid' oo suurtagal ah

    Saynis yahanno, ayaa sheegay iney haatan hayaan "caddaynta xaqiiqa ah" markii ugu horeysay, taasoo ah sida bini'aadamka uu ugu soo gudbay cudurka Covid19.

    Cilmi baaristii ugu dambeysay ee lagu baadigoobayo asalka cudurka, iyadoo la siyaasadeeyay sababta keentay masiibadii ugu xumayd ee qarnigan soo marta, taasoo soo saartay aragtiyo dhawr ah oo kala duwan, oo aan la caddayn ama la beenin.

    Falanqaynta ugu dambeysay ayaa waxay tilmaamaysaa nooc gaar ah, oo ah asalka xayawaanka ee laga yaabo inuu ka yimid fayraska.

    Cilmi baaristaas, ayaa waxay ku salaysan tahay caddayn laga soo ururiyay saddex sano ka hor, Suuqa xayawaanada Duur-joogta Huanan ee ku yaalla Wuhan ee dalka Shiinaha, kaasoo had iyo jeer ahaa barta ugu muhiimsan ee la tuhmayo inuu ka dilaacay fayriska cudurka.

    Horraantii sanadkii 2020-ka, markii cudurka Covid19, uu ahaa weli cudur dahsoon, Xarumaha Xakamaynta Cudurrada Shiinaha (CDC), ayaa ka sameysay baaritaan suuqa.

    Macluumaadka hidda-sidaha ee ku jira dheecanada la qaaday, ayaa dhowaan looggu sameeyay si kooban dadweyne, taasina waxay u suurta gelisay koox cilmi-baarayaal ah inay go'aan ka gaaraan, iyaga oo tilmaamaya eeyaha Racoon inay yihiin "kuwa uu asal ahaan ka yimid cudurka" markaa dabadeedna uu ku faafay dadka.

    Nuxurka falanqaynta ayaa ah in (DNA)-da ama Hidde Sidaha laga helay eeyaha Racoon, oo ah naasleyda duurjoogta ah, oo si toos ah loogu iibin jiray suuqa hilibka, oo markii danbe laga helay fayriska SARS CoV-2, sida lagu sheegay falanqayn lagu daabacay Online 20kii Maarso.

    Laakin baadigoobka qallafsan ee lagu raadinayo halka uu ka dillaacay cudurka, iyo iyadoo uu suuqu muddo dheer xirnaa, waxii xayawaan ah oo la iibinayayna lagu dilay, weli lama hayo caddayn sugan.

    Dibu dhaca saddexda sano ah ee soo saarista xogtan muhiimka ah, ayay saynis yahanadu ku tilmaameen mid fadeexad leh.

    Natiijooyinka ayaa la daabacay, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in aragtida daahinta shaybaadhka ay ku sii xoogaysanayso dhanka mas'uuliyiinta Maraykanka.

    Dowladda Shiinaha, ayaa si adag u beenisay soo jeedinta ah in fayrasku ka yimid xarun cilmiyeed, laakiin FBI-da ayaa hadda waxay rumeysan tahay in xaaladdu ay tahay "sidii ay hore u caddeeyeen", sidoo kale Waaxda Tamarta ee Mareykanka.

    Waaxyo iyo hay'ado kala duwan oo Maraykan ah, ayaa baaray sirta, waxayna soo saareen gunaanadyo kala duwan, laakiin 1-dii Maarso agaasimaha xafiiska, ayaa ku eedeeyay Beijing "inay ku dadaalayso inay isku daydo inay fashiliso ama ay qariso sababta cudurka", wuxuuna daaha ka qaaday FBI-da inay ku qanacday aragtida shaybaarka waqti aad u yar."

    BBC-da ayaa la hadashay qaar ka mid ah saynisyahannada ku lugta leh baaritaanka saddexda sano ah ee lagu baarayay asalka cudurka Covid19. Waxay aaminsan yihiin in falanqaynta cusubi ay noqon karto tan ugu dhow ee aan ku fahmi doono sida uu cudurku u dillaacay, iyo in kala qaybsanaanta Shiinaha iyo Galbeedka ay carqaladaynayso dadaalka sayniska ee lagu xallinayo sirta dhibaatada cudurka Covid19.

  7. Ruushka oo kumanaan askari loogga dilay loogana dhaawacay Ukraine

    Ciidamada Ruushka ee kusugan Ukraine
    Image caption: Ciidamada Ruushka ee kusugan Ukraine

    Dagaalka Bakhmut, oo ah magaalo ku taalla dalka Yukreen, taasoo Ruushka ku qaatay bilihii la soo dhaafay inuu qabsado, ayaa waxaa wali ku socda magaaladani dagaal, sida uu yiri taliye sare oo reer Ukraine ah.

    Horaantii bishan, saraakiisha reer galbeedka, ayaa ku qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000 illaa iyo 30,000 oo askarta Ruushka ah, in lagu dilay ama lagu dhaawacay Bakhmut, tan iyo xagaagii hore.

    Laakiin iyada oo ay taasi jirto, Valerii Zaluzhnyi, ayaa sheegay in "dadaalka ballaaran" ee militariga Ukraine, ay dib ugu riixayaan Ruushka uu wali socdo.

    Maamulka Moscow, ayaa quus ka taagan guul uu ka gaao Bakhmut, ka dib markii ay ku guul dareysteen inay ka gun gaareen maalmihii la soo dhaafay.

    Iyadoo ay taasi jirto, falanqeeyayaasha militariga, ayaa aaminsan in Bakhmut ay leedahay qiimo istiraatijiyadeed, muhiimada magaaladuna ay hadda tahay mid muuqata.

    Dhanka Facebook, Lieutenant General Zaluzhnyi, ayaa sheegay in iyada oo xaaladda ka jirta jiida hore ee Ukraine "ay aad u adag tahay jihada Bakhmut ... sababtoo ah dadaalka weyn ee ciidamada difaaca, isagoo ku adkeystay iney guuleysan doonaan, xasiloonina ay keeni doonaan."

    General Zaluzhnyi, ayaa baahiyey fariintan, ka dib markii uu la hadlay madaxa ciidamada ee Britain, Admiral Sir Tony Radakin, isagoo kala hadlay xaaladda Ukraine.

    Hadalada generalkan, ayaa waxa kamid yihiin calaamadihii ugu dambeeyay ee togan ee saraakiisha Ukraine, ee ku saabsan dagaalka muddada dheer ka socda magaalada Bakhmut.

    Khamiistii, Oleksandr Syrsky, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Ukraine, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay ku "daaleen" gudaha Bakhmut.

    Syrsky ayaa waxa uu intaa ku daray in inkasta oo Ruushku "uusan ka quusan qabsashada Bakhmut qiimo kasta oo ay ku kacdo, in haddana ay ku baaba’een magaaladani ciidamadoodii iyo qalabkii ay wateenba... ayna luminayaan awood badan".

    Magaalada ayaa waxa ku noolaa 70,000 oo qof, ka hor intii aanu dagaalku bilaabmin, laakiin hadda waxa ku haray dad tiro yar, qaar badana waxay la ammaankooda.

  8. Macalin caruur tusiyey taallo “anshax xumo ah” oo shaqada laga eryey

    Michelangelo's oo looggu magac daray 'David' taalladiisu waxaa ka muuqanaya xubinta taranka ee ragga
    Image caption: Michelangelo's oo looggu magac daray 'David' taalladiisu waxaa ka muuqanaya xubinta taranka ee ragga

    Maamule dugsi hoose oo ku yaalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, ayaa shaqada laga eryay, kaddib markii uu tusiyay ardayda wax-qabadkii sawir-qaadihii caanka ahaa ee Michael Angelo.

    Farshaxanka 'David' ee ardayda fasalka 6-aad loo sheegay inay arkaan, waa taallada farshaxaniistihii caanka ahaa ee Michelangelo.

    Shaqadan weyn ee farshaxanku waa mid ka mid ah shaqooyinka meel wanaagsan kaga jira dalalka Reer Galbeedka, soona noolaysay fanka xiligan casriga ah.

    Michael Angelo, ayaa wuxuu ahaa Sawir-qaade, Gabayaa iyo Sawir-qaade, iyagoo sidoo kale uu ahaa farshaxan-yaqaan weyn oo noolaa qarnigii 16-aad ee Miilaadiga.

    Wuxuu sawiray oo uu naqshadeeyey taallo loo yaqaan 'David' intii u dhaxaysay sanadihii 1501-1504.

    Waalidiinta ayaa ka cawday taallada loo yaqaan 'David', sababtoo ah xubinta taranka ee sawirka taalladan, ayaa aheyd mid muuqata.

    Maamulaha, oo ay soo gaarsiiyeen cabashadooda saddex waalid, ayaa lagu qasbay inay soo gudbiso istiqaaladeeda.

    Ardeyda ayaa waxaa taalladan lagu dhex tusiyey xiisadda maado ay baranayeen, oo ahayd "Rinjiyeynta iyo Farsamaynta farshaxanka".

  9. Xiisadda muhaajiriinta Yurub: Tobannaan qof oo lagu la'yahay xeebaha Tunisia

    Ilaalada xeebaha dalka Tunisia
    Image caption: Ilaalada xeebaha dalka Tunisia

    Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah, oo ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya – oo ay ku jiraan carruur iyo kuwo baryo dhalan – ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Tunisia, ka dib markii ay la degtay doontii ay la socdeen.

    Waa doontii shanaad oo tahriibayaal ah oo degto laba maalmood gudahood, iyadoo ilaa hadda la xaqiijiyay 7 qof inay dhinteen, 67 kalena weli la la'yahay.

    Maamulka, ayaa rumeysan in doonidaasi ay ku sii jeedday dalka Talyaaniga.

    Ilaalada xeebaha dalka Tunisia, ayaa lagu soo waramayaa in ay joojiyeen 56 doonyood oo ka dhoofayey dalkaasi, kuwaasoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

    Houssem Jebabli oo ka tirsan Ilaalada Qaranka dowladda Tunisia, ayaa sheegay in in ka badan 3,000 oo Tahriibayaal ah la qabtay, iyagoo isku dayayay inay ka baxaan dalkaasi.

    Tuniisiya ayaa waxay noqotay meel laga soo dhoofiyo muhaajiriinta, si ay u galaan qaaradda Yurub.

    Xogta Qaramada Midoobay, ayaa muujineysa in ugu yaraan 12,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen dalka Talyaaniga sanadkan, kuwaasoo ka yimid Tunisia, halka 1,300 oo muhaajiriin ah ay kasoo galeen isla waqtigaas dalkani sanadkii hore.

    Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa ku eedeeyay muhaajiriin Afrikaan ah oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha oo ku nool dalkaas, inay sababeen mowjado dambi ah, oo uu ku tilmaamay inay yihiin khatar xagga tirada dadka ah.

    Hadaladiisa ayaa waxaa si weyn u dhaleeceeyay ururka Midowga Afrika, waxaana ay lagu naqdiyey "hadallo naceyb ah" oo ay ku tilmaameen kooxaha xuquuqda aadanaha.

    Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedkii magaalada Brussels Jimcihii, ra'iisul wasaaraha midig-fog ee Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa ka digtay inay dhici karaan "mowjado dad muhaajiriin ah" ee ku wajahan Yurub, haddii xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka Tunisia aysan xasilin.

    Tuniisiya ayaa hadda waxaa soo food saartay xaalad dhaqaale xumo tii ugu darneyd, kadib markii uu istaagay wada-hadallo deyn ah oo ay kula jirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sidoo kale carabka ku dhutay in dowladda Tunisia ay si degdeg ah ugu baahan tahay inay heshiis la gaarto IMF.

    Tunisia ayaa sidoo kale wajahday caqabado siyaasadeed oo muhiim ah, tan iyo bishii Luulyo ee sanadkii 2021-kii, markii Saied uu la wareegay awoodihii ugu badnaa.

  10. Post update

    Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.